Puntland oo la wareegtey qalab caafimaad oo Australia ku deeqday

Image
Image
Image
Image

March 18, 2015 (GO)- Madaxweynaha  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta guddoomay qalab caafimaad oo uu dalka Australia ka keenay Wasiir dawlaha Madaxtooyada iyo xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Maxamed Cabaas Cumar.

Xaflad kooban oo loo qabtay wareejinta qalabkan kana dhacday  madaxtooyada Garoowe ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Wasiirka Caafimaadka Saadiq Eenoow, Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Cabdirisaaq Xirsi Xasan  iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada.

Madaxweynaha  ayaa sheegay in qalabkan baahi weyn loo qabay, wax badanna uu ka baddeli doono daryeelka caafimaadka bulshada reer Puntland.

"qof walba oo haya shaqo dawladeed ama mid bulsho waxaa lagu qiimaynayaa laguna xasuusan doonaa markii uu meesha ka tago waxaa uu hayey iyo waxa uu suubiyey, Maxamed Cabaas isagoo wasiir dawle madaxtooyo ah shaqadiisana aysan aheyn hadii uu intaas oo qalab ah keenay aad iyo aad ayuu ugu mahadsanyahay" ayuu yiri.

Madaxweyne Gaas ayaa Madaxda Wasaarada Caafimaadka Dawladda Puntland ka dalbaday in qalabkaan caafimaad sida uu yahay ay ugu faa'iideeyaan shacabka reer Puntland islamarkaana gaarsiiyaan meelba meesha ay uga baahi badantahay.

Qalabkaan ayaa waxaa ay isugu jiraan daawooyin, sariiro casri ah oo lagu jiifiyo bukaannada, mashiino nooca  Oxygen-ka iyo sidoo kale mashiino loogu talagalay in lagu daweeyo kelyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM