Puntland oo lacag ka heshay dowladda Federaalka Somalia

Image

GALKACYO, Puntland- Madaxwayne ku xigeenka dawladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay,  ayaa xalay wareejiyey deeq lacageed oo Gaaraysa $50.000 Dollar taasoo ka timid dawlada federalka Somalia.

Madaxwayne Camay ayaa deeqdaasi ku wareejiyey Guddiga gurmadka abaaraha gobolka Mudug iyo gudoomiyaha gobolka Mudug.

Dhankale Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa socdalkiisa gobolka Mudug waxaa ku wehliyey ilaa 4 Hay’adood kuwaas oo wadda deeq lacageed oo 4 Bilood ee soo socota ku Quudin doona dadka Abaaraha kasoo xarooday.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa gaba gabadii lacagtaasi markii uu kala wareegayey dawlada federalka Somalia wuxuu sheegay in la keeni doona Lacagtaasi iyo meesha ay ku baxdo oo maqal iyo muqaal ah.

Dowlada Federaalka ayaa horey lacag gaareysa 150,000 dollar ugu deeqdey dadka abaaraha saameeyeen ee Reer Puntland taasoo keentey in wax la iska waydiiyo qaabka loo kharash gareeyey.

Lacagtan ayaa timid xilli shalay Madaxweyne Camay uu dhaliilay dowladda Federaalka isagoo ku eedeeyay inay hayso tubtii dowladii hore islamarkaana sheegay in deeqda lacageed ee lasiiyay aysan u cuntamid maadama ay kusoo qaxeen dad isaga kala yimid afar maamul.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM