​Puntland oo lagu casuumay shir ka dhacaya New York

Image

Waxaa maanta magalada Garowe ka dhoofay xubno katirsan dowladda Puntland oo ka qayb galaya shir ka dhacaya dalka Maraykanka gaar ahaan magalada New York oo looga hadlayo tacadiyadda haweenka loo gaysto.

Puntland, waxaa uga qayb galaya xubno kasocda wasaaradaha Cadaaladda iyo Haweenka, iyagoo madasha la tagi doonan khudbado ku salaysan xaaladda dumarka Puntland iyo shuruuxo la meelmariyay oo lagu yaraynayo tacadiyada.

Wasiirka Cadaaladda Puntland Saalax Xabiib Xaaji oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay in shirkaasi socon doono 12 casho isla markaana soo qaban qaabisay hay'ad katirsan Qaramada Midoobay gaar ahaan UNFPA.

Saalax ayaa xusay in wasaaradiisa lagu casuumay maadama ay sameeyeen sharci xadiday kufsiga haweenka loo gaysto.

Shirkan ayuu tilmaamay inay ka qayb gali doonaan dowladda Federalka Somalia gaar ahaan wasaaradda haweenka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM