​Puntland oo lagu casuumay shir ka dhacaya New York

Image

Waxaa maanta magalada Garowe ka dhoofay xubno katirsan dowladda Puntland oo ka qayb galaya shir ka dhacaya dalka Maraykanka gaar ahaan magalada New York oo looga hadlayo tacadiyadda haweenka loo gaysto.

Puntland, waxaa uga qayb galaya xubno kasocda wasaaradaha Cadaaladda iyo Haweenka, iyagoo madasha la tagi doonan khudbado ku salaysan xaaladda dumarka Puntland iyo shuruuxo la meelmariyay oo lagu yaraynayo tacadiyada.

Wasiirka Cadaaladda Puntland Saalax Xabiib Xaaji oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay in shirkaasi socon doono 12 casho isla markaana soo qaban qaabisay hay'ad katirsan Qaramada Midoobay gaar ahaan UNFPA.

Saalax ayaa xusay in wasaaradiisa lagu casuumay maadama ay sameeyeen sharci xadiday kufsiga haweenka loo gaysto.

Shirkan ayuu tilmaamay inay ka qayb gali doonaan dowladda Federalka Somalia gaar ahaan wasaaradda haweenka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM