Puntland oo mamnuucday urur diimeedka Al Saadicuuna Bil Xaq

Image

GAROWE, Puntland- Maamulka gobolka Nugal ayaa maanta ku dhawaaqay amar liddi ku ah urur diimeed cusub oo dhawaan looga dhawaaqay dalka Masar islamarkaana faracyo kala duwan ku yeeshay gudaha waddanka Somalia.

Ururkan oo lagu magacaabo Al Saaciduuna Bil Xaq ayaa culimadu ku tilmaamtay koox loo unkay gaalaysiinta umadda Somaliyeed iyadoo loo marayo diinta Islaamka oo si khaldan loo turjumayo.

Guddoomiyaha gobolka Nugal Cumar Cabdullaahi oo ay hareer fadhiyaan Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee shan gobol Cabdifataax Xaaji Aadan iyo taliyaha la dagaallanka Argagixisada ayaa tilmaamay in kooxdan gabi ahaanba aan laga ogolayn deegaanada Puntland, islamarkaana la xiri doono xarumaha ay deegaanadaas ka furatay.

Faraweyne ayaa sheegay in dowladdu amar ku bixisay in sharciga la horgeeyo cid kasta oo kooxdaas taageertay islamarkaana ciidamadu fasax u haystaan inay ka hortagaan faafitaanka waxay ugu yeereen Takfiir.

Shacabka Puntland, ayuu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii ciidamada looga garabsiin lahaa ka hortagista ururkan liddiga ku ah diinta Islaamka isagoo ka dalbaday inay sheegaan shakhsiyaadka taageersan iyo goobaha ay ku suganyihiin.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday xilli magaalooyinka Hargaysa, Muqdishu iyo Bosaso laga taageeray kooxdan la aas-aasay bishan horaanteeda.

Todobaadkii hore ciidamada Somaliland ayaa xabsiga dhigay dad loo haysto inay taageereen kooxdan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni: Puntland ma aqbalayso Mashaariic siyaasadaysan

Maamulka Deni ayaa si adag uga soo horjeeda waxa uu ku tilmaamay faragelin siyaasadeed oo ka imaanaysa Villa Soomaaliya.

  • Puntland

    14-06-2025

  • 04:47PM

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM