Puntland oo qabatay horjoogihii ka dambeeyay afduubka Markabka MV Abdalla

Image
Abshir Cabdi Kheyre Jowfe oo 38 jir ah ayaa waxaa laga soo qabtey deegaanka Siinaay ee waqooyiga Gaalkacyo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Booliska Puntland iyo kuwa Soomaaliya ayaa howlgal ka dhan ah burcadbadeedda ka sameeyay magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu soo qabtay Abshir Cabdi Kheyre Jowfe oo 38 jir ah.

Ninkan ayaa la sheegay inuu ahaa taliyihii ka dambeeyay afduubkii markabka MV Cabdalla. Xarigan ayaa ka dhigan tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dadaallada lagu burburinayo shabakadaha burcad-badeedda ee gobolka.

Howlgalka oo ka dhacay deegaanka Siinaay ee waqooyiga Gaalkacyo ayaa daba socday qorshe iyo isku dubarid ballaaran oo ay sameeyeen ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa booliska Puntland.

Markabka MV Abdalla, ayaa waxaa la socday 23-shaqaale ah oo u dhashay dalka Bangladesh, waxaana la afduubay, waxaana loo weeciyay dhinaca Xeebaha Soomaaliya, iyadoo burcadbadeedda ay ku adkeeyeen hub culus, si ay uga hortagaan howlaha lagu soo furto. Kooxaha budhcad-badeedda ayaa si isa soo taraysa u isticmaala xeeladdan si ay u ilaashadaan xakamaynta maraakiibta la afduubo.

Shaqaalaha markabka ayaa la haystay toddobaadyo ka hor inta aan la sii dayn ka dib wadahadalo daba dheeraaday oo ku dhammaaday 5 milyan oo madax furasho ah. Wadahadallada waxaa ku lug lahaa dhinacyo badan, oo ay ku jiraan dawladda Bangladesh iyo ururada caalamiga ah ee badaha.

Booliska Puntland ayaa sidoo kale Isniintii ku dhawaaqay in Maxamed Suufi Raass ay ku qabteen magaalada Garoowe oo uu maalmihii lasoo dhaafay ku dhuumaaleysanayay.

Afduubka iyo lacag-bixinta madax-furasho ee xigtay taasoo lagu sii daayay Markabka MV Abdalla waxay dhalisay baaqyo ku aaddan in la wanaajiyo ilaalada badda iyo tallaabooyin ammaan si loo ilaaliyo marinnada maraakiibta ganacsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM