​Puntland oo qoondaysay kuraasta laga siiyay Aqalka Sare

Image

MUQDISHU, Somalia-  War-murtiyeed kasoo shirka madasha wadatashiga Qaran ee Somalia, ayaa lagu siyaadiyay xubnihii Aqalka Sare ee Balamanka Federaalka Somalia, waxaana loo qaybiyay maamullada dalka gaar iyadoo la siiyay qoondo siman oo ah min Saddex Kursi.

Maamulka Puntland, ayaa durba qoondeeyay saddexdaasi kursi, waxaana madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyay cidda la siinayo kuraasta saddex ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland oo warbaahinta u akhriyay Afhayeenka xukuumadda Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel, ayaa lagu sheegay in la siiyay saddexaas xubnood beelaha Warsangali, Dhulbahante, iyo beel Shanaad oo la sheegay inay dagantahay Puntland

"Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markuu la tashaday masuuliyiinta Dawladda Puntland wax garadka iyo aqoonyahanka Puntland waxa uu saddexdaasi kursi ee loogu daray Puntland u qoondeeyey in labo ka mida lasiiyo beelaha harti gaar ahaan beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli, sidoo kalena kursiga sadexaad ayaa waxa uu madaxweynuhu u qoon deeyey beesha shanaad ee deggan  Puntland,"Sidaas ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda kasoo baxay.

Puntland, ayaa horay aqalka sare uga heshay 11 kursi, waxaana hadda ay helaysaa 14 kursi sidaas si lamid ah waxaa heshay maamulka Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM