​Puntland oo qoondaysay kuraasta laga siiyay Aqalka Sare

Image

MUQDISHU, Somalia-  War-murtiyeed kasoo shirka madasha wadatashiga Qaran ee Somalia, ayaa lagu siyaadiyay xubnihii Aqalka Sare ee Balamanka Federaalka Somalia, waxaana loo qaybiyay maamullada dalka gaar iyadoo la siiyay qoondo siman oo ah min Saddex Kursi.

Maamulka Puntland, ayaa durba qoondeeyay saddexdaasi kursi, waxaana madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyay cidda la siinayo kuraasta saddex ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland oo warbaahinta u akhriyay Afhayeenka xukuumadda Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel, ayaa lagu sheegay in la siiyay saddexaas xubnood beelaha Warsangali, Dhulbahante, iyo beel Shanaad oo la sheegay inay dagantahay Puntland

"Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markuu la tashaday masuuliyiinta Dawladda Puntland wax garadka iyo aqoonyahanka Puntland waxa uu saddexdaasi kursi ee loogu daray Puntland u qoondeeyey in labo ka mida lasiiyo beelaha harti gaar ahaan beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli, sidoo kalena kursiga sadexaad ayaa waxa uu madaxweynuhu u qoon deeyey beesha shanaad ee deggan  Puntland,"Sidaas ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda kasoo baxay.

Puntland, ayaa horay aqalka sare uga heshay 11 kursi, waxaana hadda ay helaysaa 14 kursi sidaas si lamid ah waxaa heshay maamulka Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM