​Puntland oo shaacisay dadkii ka dambeeyay Qaraxii Galkacyo

Image
Image

GALKACYO, Puntland- Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu shaaciyay magacyo iyo sawirro la sheegay inay ahaayeen shakhsiyaadkii ka dambeeyay weerarkii khasaaraha badan gaystay ee dhawaan ka dhacay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

War-saxaafadeedkan oo nuqul kamid ah soo gaaray Garowe Online ayaa lagu sheegay in qaraxii Galkacyo lagu fuliyay gaaro Noah islamarkaana uu waday nin magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Fanax, 22 Sanno Jir Ku dhashay Ceel-waaq kaasoo beel ahaan kasoo jeeda; Marreexaan/ Uur midig.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu shaaciyay magacyada dad la raadinayo kuwaaso dowladdu tilmaamtay inay yihiin maskaxdii ka dambeysay.

1. Maxamed Nuur Jaamac ama Bashiir Maxamed Nuur oo loo yaqaano “BINU MAXAMED”

Da’diisa: 40-45 sanno jir

Ku dhashay Gaalkacyo

Beeshiisa: Cumar Maxamuud/ Reer Mahad

Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada Al-shabaab ee Gobollada Puntland

2. Nuur Maxamed Cabdullaahi ama Nuur Cabdullaahi Diini oo loo yaqaano “NUUR DEEQ”

Da’diisa: 45 sanno jir

Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo

Beeshiisa: Sacad/ Reer Hilowle

Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada iyo dilalka Alshabaab ee Gobolka Mudug

3. Cabdulqaadi Xaaji Yuusuf

Ku dhashay: Gobolka Mudug

Beeshiisa: Dir/ Qubeys

4. Cabdishakuur Mire

Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo

Beeshiisa: Sacad/ Reer Nimcaale

5. Muxiyadiin Dakharre

Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo

Beeshiisa: Sacad / Reer Hilowle

Shaacinta magacyada ayaa yimi 9 cisho kadib markii uu magaalada Galkacyo ka dhacay qarax khasaaro kala duwan gaystay kaasoo ka dhacya xarunt dowladda hoose iyo suuq lagu ganacsado.

Ururka Al Shabaab ayaa ka dambaysay mas'uuliyadda weerarkaasi oo lagu tilmaamay kii ugu khasaaraha badnaa oo ka dhaca Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM