Puntland oo sheegtay inay dhisayso wadada lagu dagaallamay Galkacyo

Image

29 November, 2015(GO)-Mas'uuliyiin ka tirsan Puntland oo hogaaminayo Wasiir Dowlaha wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, ayaa shalay galinkii dambe tagay goobihii lagu dagaallamay ee magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Waxay sheegeen inay ka xunyihiin dagaalka dhacay, balse duruuf ku qasbayso maadama dhinaca Galmudug ka gaabiyeen wadahadalladii lagu doonayay inay lagu soo afjaro xiisadda ka dhalatay waddo laami la saarayo oo Puntland ka hirgalinayso xaafadda Garsoor.

Wasiir Dowlaha wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Yusuf Jamac, ayaa sheegay in ciidamada Puntland difaac kaga jiraan meelihii lagu dagallamay isla markaana gacan ku hayntooda la wareegeen.

Cali, ayaa xusay inay maanta billaabayaan dhismaha wadada lagu dagaallamay, taaso horey ugu xushmaynayeen waxgaradka Galkacyo oo ka soo horjeeday in xoog lagu dhiso jidka xaafadda Garsoor.

Xaaladda magalada Galkacyo ayaa saaka dagan ka dib dagaal xooggan oo dhimasho iyo dhaawac sababay taasoo shalay ka dhacay magaladaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM