Puntland oo sheegtay inaysan aqoonsan doonin Maamulka Galmudug

Image

June 25, 2015 (GO)- Dowladda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah shaacisay inaysan aqoonsan doonin, wax wada-shaqeyn ahna la yeelan doonin maamulka loogu magac daray Galmudug ee loo sameynayo gobollada Galguduud iyo Koonfurta Mudug.

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Puntland ayaa maanta si weyn loogu gorfeeyey arrinta gobollada dhexe, waxaa sidoo kale lagu cambaareeyey Guddoomiyaha Baarlammaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Golaha Wasiirrada Puntland ayaa Jawaari ku tilmaamay inuu jebiyey shuruucda dalka islamarkaana cadeystey cadaawadda uu u hayo dadka reer Puntland, waa sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM