Puntland oo soo dhoweysey magacaabista Danjire Dhanani

Image

February 25, 2015 (GO)- Dowladda Puntland ayaa soo dhoweysey safiirka cusub ee Dowladda Maraykanku usoo magacaabatey dalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Garowe ayaa lagu sheegay in magacaabista Danjire Katherine S. Dhadhani ay Soomaalida u tahay guul weyn islamarkaana cadeynayso sida marba marka ka dambeysa ay u kordheyso kalsoonida beesha caalamku ku qabto Soomaaliya.

"Go'aanka lagu soo magacaabay Danjire Dhanani waa mid muhiim u ah Soomaaliya. Keliya micnihiisu ma ahan inuu k turjumayo horumarka iyo kalsoonida lagu qabo Soomaaliya balse wuxuu xoojinayaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka. Si diirran ayaan usoo dhoweyneynaa magacaabista taariikhiga ah, si dhow ayaanuna ula shaqeyn doonnaa Danjire Dhanani" War-saxaafadedka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa sidaas lagu yiri.

Waa markii ugu horreysey laga soo bilaabo sanadkii 1991 ee Dowldda Maraykanku safiir usoo dirsato dalka Soomaliya.

Katherine Dhanani oo ah diblumaasi khibrad dheer leh waayo aragnimo fiicanna ka haysata arrimaha Qaaradda Afrika, waxay horay uga soo shaqeysey wadamo badan oo ay ka mid yihiin India, Mexico, Zimbabwe, Gabon, Zambia iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Konga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM