Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof
GAROWE, Soomaaliya — Dawladda Puntland ayaa maanta soo saartay qeylo-dhaan degdeg ah, iyadoo codsatay gargaar bani’aadantinimo si wax looga qabto abaar ba’an oo saameyn ku yeelatay ku dhawaad hal milyan oo qof oo ku nool deegaanadeeda.
Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne Ku-xigeenka, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa sheegay in abaartu si weyn u saameysay gobollada Mudug, Nugaal, Sool, Cayn, Sanaag, Haylaan, Bari, Karkaar iyo Raas Caseyr, halkaas oo kumannaan qoys ay la daalaa dhacayaan cunto iyo biyo la’aan.
War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in ilaa 940,000 qof ay haatan saameysay abaarta, halka 130,000 qof ay ku sugan yihiin xaalad degdeg ah oo u baahan gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah.
Warbixinta ayaa sidoo kale muujisay in in ka badan 310,000 carruur ah oo ka yar shan sano ay la ildaran yihiin nafaqo-darro halis ah, halka 360,000 qof oo barakacayaal ah, badankoodna ah xoola-dhaqato, ay ku nool yihiin xaalad nolol adag.
Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay in abaartan dheer ay sabab u tahay isbeddelka cimilada iyo roobabkii oo afar xilli oo xiriir ah hakad galay, taas oo keentay in dhul badan uu qalalo muddo ku dhow laba sano.
Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda la filayo inay noqdaan kuwo hooseeya marka loo eego celceliska sannadihii hore, arrintaas oo sii adkeyn karta xaaladda dadka iyo xoolaha.
Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa ugu baaqay hay’adaha maxalliga ah, kuwa caalamiga ah iyo bulshada rayidka ah inay si degdeg ah uga jawaabaan baahiyaha bani’aadantinimo ee jira, isagoo uga digay in haddii aan la dhaqaaqin, ay suurtagal tahay musiibo bani’aadantinimo oo weyn.
“Dadka reer Puntland waxay hadda u baahan yihiin taageero degdeg ah si looga hortago musiibo bani’aadantinimo oo dhabta ah,” ayuu yiri Lugatoor.
Dawladda Puntland ayaa sidoo kale ku dhawaaqday shir degdeg ah oo lagu qaban doono Isniinta, 10-ka November 2025, kaas oo ka dhici doona Hoolka Shirarka ee Madaxtooyada Puntland ee Garoowe. Shirkaas ayaa lagu diiradda saari doonaa isku-duwidda iyo dardargelinta gurmadka abaaraha ee guud ahaan deegaannada Puntland.
GAROWE ONLINE