Puntland oo u diyaar garoobeysa dagaal ka dhan ah Somaliland

Image

GAROOWE, Puntland - Gollaha Wasiiradda ee dowladda Puntland ayaa maanta yeeshay shir aan caadi ahayn, kaasi oo looga hadlay xaaladda gobolka Sool iyo dagaalkii 15-kii bishan ka dhacay deegaanka Tukaraq.

Kulanka oo uu shir gudoomiyay Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa laga soo saarey markii uu soo idlaaday War Saxaafadeed lagu shaaciyay in Puntland ay u diyaar garoobeyso dagaal waqti dheer socon doono oo ka dhan ah Somaliland.

War Saxaafadeedka ayaa loogu baaqay Shacabka inay ka qeyb-qaataan dagaal sida la sheegay lagu xureynayo deegaanada ka maqan Puntland, ee ku jira gacanta maamulka Somaliland.

Go'aanka kasoo baxay Gollaha Wasiiradda Puntland ayaa kusoo beegmaya saacado kadib markii xalay uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi sheegay in maamulkiisa uusan duulaan ku ahayn Garoowe [Halkan ka akhri Warka].

HOOS KA AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM