Puntland oo walaac ka muujisay khilaafka hareeyey hay'adaha DFS

Image

November 21, 2014 (GO)- Dowladda Puntland ayaa cadaysey mowqifkeeda ku aadan khilaafka hareeyey madaxtooyada, golaha wasiirada iyo baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed maanta oo Jimce ah kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ka walaacsan tahay khilaafka ragaadiyey habsami u socodka shaqada hay'adaha Dowladda Federaalka, khilaafkaasoo caqabad ku ah in la gaaro himilooyinka sanadka 2016.

Qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Garowe oo nuqul kamid ahi soo gaarey shabakadda GO wuxuu u qornaa sidan:


Madaxweynaha Puntland oo mar sii horeysey la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in haddii khilaafku sii socdo Puntland ka fiirsan doonto xiriirka kala dhexeeya dowladda uu magaalada Muqdisho fadhigeedu yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM