Puntland oo Xukun ka soo saartay xubno ka tirsan 'ISIS'

Image

GAROWE, Soomaaliya - Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Puntland ay ku dhawaaqday xukunno lagu riday saddex eedeysane oo lala xiriirinayo Kooxda Daacish.

Raggaan ayaa lagu soo qabtay eedeymo la xiriira falal lidi ku ah amniga deegaanada Puntland. Markii ay qirteen dambiga lagu soo eedeeyay ayaa waxaa la horgeeyay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland, halkaasi oo lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyay.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo ay goob joog ka ahaayeen saraakiil sarsare ayaa soo saartay go’aammadan hoos ku qoran:

1- Salmaan Faarax Maxamed waxaa lagu xukumay 15 sano oo xarig ah.
2. C/llaahi Shire Maxamuud oo u ka tirsan Daacish waxaa lagu xukumay 5 sano.
3. Maxamed Axmed Maxamuud waxa lagu xukumay 10 sano oo xarig ah.

Maxkamadda ayaa sheegtay in dacwadda ay u hoggaansaneyd heerarka caalamiga ah, taasoo muujineysa sida ay Puntland uga go’an tahay ilaalinta mabaadi’da cadaaladda iyo sharciga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM