Puntland: Qarax ka dhacay Magaalada Galkacyo

Image

GALKACYO, Puntland- Sarkaal katirsan ciidamada Booliiska Puntland, ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay qarax ka dhacay gudaha magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, sida ay sheegayaan wararka uu helayo Garowe Online.

Qaraxan oo goor-dhaweyd ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta Madaxtooyada ayaa la sheegay inuu ku dhintay nin lagu magacaabo Cali Magafe, oo kamid ahaa ciidamada Booliiska.

Inkastoo aan wali loo xaqiijin Garowe Online, qaybta Booliis ee uu sarkaalkaas kamid ahaa, hadana wararka ayaa xusaya in markii hore dhaawac culus kasoo gaaray Miino lagu xiray baabuur kuwa raaxada ah oo mas'uulkaas watay.

Ciidamada Booliiska ayaa waxyar kadib markii weerarku dhacay gaaray goobta iyagoo sameeyay baaritaan aan wali faah faahin laga bixin.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda dilka sarkaalkaas oo qayb ka noqonaya mas'uuliyiin sidaan oo kale loogu dilay magaalada Galkacyo.

Sidoo kale dowladda Puntland dilkan war kamasoo saarin inkastoo la sheegay in taliska qaybta gobolka uu warbaahinta u yeeray.

Markii ugu dambaysay xildhibaan katirsan Barlamanka Puntland ayaa lagu dilay qarax noocaan oo kale ah sannadkan dhexdiisii.

Ururka Al Shabaab ayaa caan ku ah qur-gooyada caynkan ah, inkastoo magaalada Galkacyo muddooyinkii dambe ay ka jireen dilal aan la ogayn cida fulisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM