Puntland: Qarax ka dhacey magaaada Bossaso

Image

BOSSASO: Nin ku labisan Jaakad qarax ku hoos jiro ayaa isku qarxiyey bar kontrool oo ku taal agagaarka Hotel Juba magalaada Bossaso.

Wararka hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxaas uu ku dhintey askari ka tirsan ciidamada boliiska halka labo kale ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa dhacay waxyar kadib markii Salaada maqrib laga soo baxay Halkaasoo dad badan ku sugnaayeen goobta.

Lama oga khasaaraha dhabta ah balse waxaa idinla wadaagi dooonaa wararkeena dambe.

Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ayaa bilihii ugu dambeeyey ku soo kordhayey magaalooyinka Bossaso iyo Galkacayo Halkaasoo kooxaha argagixisada ah dhaqdjaqaayo ka wadaan.

Qaraxaan ayaa ku soo beegmaya xillli Madaxweynaha Puntland safaro aan kala go laheyn ugu maqan yahay wadanka dibadiisa kuwasoo maalmihii ugi dambeeyey ku marayey dalalka Yurub.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM