Puntland: Qardho oo yeelatay sanduuq u gaar ah horumarinta magaalada

Image
Gudoomiyaha Golaha Wakiilladda Dowladda Puntland Cabdirisaaq Axmed Siicid ayaa ka qayb galay kulanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir ku- xigeenka ahna kusimaha Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Dawladda Puntland Ayuub Cali Axmed oo ka mid ah wefdiga Gudoomiyaha Golaha Wakiilladda Dowladda Puntland Cabdirisaaq Axmed Siicid ayaa ka qayb galay kulanka mashruuca daahfurka sanduuqa horumarinta degmada Dhahar.

Saciid oo madasha ka hadlay ayaa balanqaday inay kaalin mug'leh ka qaadan doonto horumarinta degmada ayna ugu horayso dhiraynta magaalada iyo ka shaqaynta biyo fariisatka degmada dhahar.

Wasir ku- xigeenka ahna kusimaha wasiirka ayaa ku amaanay gudiga ilaalinta deegaanka in loo doortay inay noqdaan isla gudiga horumarinta degmada dhahar taas oo muujinaysa hawl karnimadooda iyo kalsoonida ay bulshadu ku qabto.

Sidoo kale wasiir ku-xigeenka ahna kusimaha wasiirka ayaa balan qaaday in xuska maalinta deegaanka aduunka (World Environmental Day) ay sanad walba wasaaradu xusto lagu qaban doono degmada Dhahar ee gobolka Haylaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM