​Puntland: Roobab ka da'ay gobollada Nugal iyo Karkaar

Image

GAROWE- Roobab fiican ayaa xalay ka da'ay qaybo kamid ah gobollada Puntland gaar ahaan gobollada Nugal iyo Karkaar, waxaana aad u soo dhaweeyay  islamarkaana EEBBE uga xamdi naqay shacabka gobollada ku nool.

Magaalooyinka Qardho, Garowe, Burtinle, meelo badan oo Miyiga iyo Tulooyinka gobolladaasi ayaa laga soo sheegay inay ka da'een roobab fiican islamarkaana ku qabowsadeen bulshada iyo duunyada halkaasi ku nool.

Goob joogayaal la hadlay Radio Garowe, ayaa kusoo waramay in roobkaasi uusan gaysay wax saamayn ah, balse Xareddu warantahay dooxooyinka iyo waddooyinka.

Abaartii baaxsanayd ayaa sheegeen in roobkan booga dhay u yahay, balse ALLE ka barayayaan inuu ka dhigo roobkii anfac yeesha.

Dhinaca kale Mas'uuliyiin ku sugan Eyl iyo Burtinle ayaa sheegaya in roobkaasi biyo galiyay baraagaha islamarkaana xooluhu ka cabeen.

Shalay 25 April ayay ahayd markii Roob doon caam ah laga sameeyay magaalooyinka waaweyn ee Puntland, kuwaasi oo EEBBE lagu weydiinayay inuu bulshada ka dulqaado abaarta iyo biyo la'aanta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM