Puntland: Saraakiil ku dhimatay Qarax ka dhacay gobolka Bari

Image

BOSAASO, Puntland- Wararka laga helayo deegaano katirsan gobolka Bari ee Puntland, ayaa sheegay in qarax lala eegtay ciidamo katirsan kuwa Milatariga kuwaasoo ku sugnaa buuraha Galgala.

Qaraxan oo maanta ka dhacay nawaaxiga deegaana Madarshoon oo qiyaastii 75KM u jira magaalada Boosaaso, waxaana ku dhintay saraakiil katirsan ciidamada PSF-ta.

Weerarkaas oo ahaa miino dhulka lagu aasay waxaa ku dhintay AUN, Taliyihii horinta Galgala ee ciidamada PSF-ta Puntland oo lagu magacaabi jiray Korneyl Galayr Xasan Yuusuf iyo sarkaal kale oo ahaa Taliyihii Gaadiidka isla ciidankaas oo magaciisa lagu sheegay Barkhad Faarax Ciise.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 5 kamid ah ciidamada PSF-ta Puntland kuwaasoo dhawacooda loo soo qaaday magaalada Boosaso.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkaas isagoo barahooda Internet-ka ku baahiyay in weerarkaas ay ku dileen saraakiil katirsan ciidamada Puntland.

Afhayeenka Mallayshiyaadka Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abu Muscab, ayaa sheegay in howlgalkaas ay fuliyeen ciidamo katirsan kooxdooda ee ku sugan gobolka Bari.

Qaar kamid ah saraakiisha laamaha ammaanka Puntland oo codsaday inaan magacooda la baahin, ayaa Garowe Online u sheegay in wadooyinka gala Gal-gala ee ka yimaada Boosaaso miinooyin lagu xiray taasina ay yaraysay isu socodka goobahaas.

Arrintan ayaa timid xilli Al Shabaab ay miino ku dishay Talihii ciidamada miino-baarista Puntland, Korneyl Cusmaan Kalabeyr, todobaadkii hore kaasoo ku dhintay isagoo furaya Qarax ay jidka ku aaseen.

Dhinaca kale waxaa shalay ka dhacay isla nawaaxiga Madarshoon Qarax lala eegtay ciidamo katirsan Daraawiishta Puntland, balse ma jirin wax khasaaro ah inkastoo Al Shabaab ay baahisay inay ku dileen ciidamo.

Ilaa hadda majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Puntland iyo saraakiisha ammaanka.

Gobolka Bari waxaa ku sugan mallayshiyaad katirsan Daacish iyo Shabaab kuwaasoo dagaal kula jira Puntland, waxaana muuqata in muddooyinkii dambe ay kor u qaadeen weerarada Qaraxyada u badan ee ciidamad ay la beegsanayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM