Puntland: Saxida khaladaad ka jiray qaadista canshuuraha oo laga shiray

Image
Guddoomiyaha Guddiga Goobta shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda ahna Agaasimaha guud ayaa guddoomiyay shirkan.

GAROWE, Puntland - Guddoomiyaha Guddiga Goobta shaqada  ee Wasaaradda Maaliyadda ahna Agaasimaha guud Mudane Axmed Jaamac Jowle oo ay weyeliyaan qaar kamida xubnaha Guddiga goobta shaqada ayaa shir gudoomiyey kulan u dhexeeyey guddiga iyo qaar ka mida Maasuuliyinta Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Barri.

Kulankan oo loogu yeeray Maamulaha Cashuuraha beriga, Maamulaha kastamka Garoonka Diyaaradaha iyo Khasnajiyada Wasaaradda ee gobolka.

Kulankan wuxuu qayb ka ahaa sixidda shaqada Wasaaradda iyo la xisaabtanka masuuliyinta heer gobol si hormar looga sameeyo lana saxo caqabadaha dhanka shaqada ah lana hirgaliyo talo soo Jeedinadii xafiiska Hantidowrka Gudaha Wasaaradda Maaliyadda ee uu ka soo gud biyey Gobolada Bari, Karkaar iyo Mudug

Ugu dambayn kalanka ayaa laysla qaatay in la saxo dhammaan khaladaadkii maamul ee horay u jiray si loo hor mariyo hannanka shaqo ee dakhliga loona gaaro hiigsigiga xukuumada ee kor u qaadida dakhliga gudaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM