​Puntland: Shaqaalaha dhisay garoonka diyaaraha Garowe oo deeq la siiyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Deeqdan, waxa garoonka diyaaradaha magalada Garowe gaarsiiyay Islaan Ciise Islaam Maxamed oo kamid ah duub dhaqameedka Puntland, isagoo ugu tala galay shaqaalaha dhisaya madaarka inay quutaan dhawr bari.

Munaasabad kooban oo deeqda lagu bixiyay, waxaa lagu qabtay goobta shaqadu kasocoto, waxaana hadyad sharafeedkan oo Ari ahayd gudoomay xiriiriyaha dowladda iyo shirkadda madaarka dhisaysa.

Duqii hore Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor, islamarkaana kamid ah waxgaradka magalada oo deeqdan wareejinteena goob joog ka ahaa, ayaa sheegay in Islaamku ugu tala galay xoolahan shaqaalaha garoonka dhisay inay nacfiyaystaan maadama hayaan howl baaxad leh.

Arrintan ayaa timi xilli uu bilow ku jiro shaqada garoonka diyaaraduhu ka haadaan ee magalada Garowe, kaasi oo qaadan doona dhismihiisu muddo ku siman 1 sano.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM