Puntland: Shaqaalaha hay'adaha dowladda oo la fasaxay [Dhagayso]

Image

22 December, 2015(GO)-Amar ka soo baxay wasaaradda shaqada shaqaalaha Puntland ayaa lagu sheegay in maalinta barri 23 December fasax yihiin dhammaan shaqaalaha kala duwan ee hay'adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Fasaxan oo ku kooban hal maalin ayaa wasaaraddu sheegtay in lagu weynaynayo xuska dhalashada Nabigeenna (NNKH), kaasoo qaban qaabadiisa laga dareemayay deegaanada Puntland.

Agaasimaha waaxda Shaqaalaha ee wasaaraddaasi Barni Ciise Axmed oo la hadashay Radio Garowe ayaa ku dhawaaqday fasaxa shaqaalaha, waxayna hambalyo u dirtay dhammaan muslimiinta meel kasto oo ay joogaan.

Barni ayaa sheegtay shaqada oo badan awgeed inaysan awoodin fasax ka badan hal maalin, waxayna tilmaamtay in fasaxa shaqaalaha dowladda la wadaagaan kuwa la shaqeeya hay'adaha caalamiga ah iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Tan iyo horaantii bishan aan ku jirno ee Mowliid (Hijri), waxaa magalada Garowe ka socday qaban qaabo culimaa'udiinka qaybtood ugu jiraan weynaynta maalinta uu dhashay Nabi Muxamed (NNKH) oo ku beegan Barri.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM