​Puntland "Shaqo abuur ayaa laga helay gaadiidka la baarayo"

Image

GALKACYO, Puntland- Xukuumadda Puntland ayaa mar kale ka hadashay tallaabada lagu baarayo gaadiidka ka yimaada Koonfurta Somalia ee xamuulka uy sida deegaanada Puntland, waxaana la sheegay inuu faa'iido usoo kordhiyay shacabka Somaliyeed.

Afhayeenka xukuumadda Cabdullaahi Maxamed Jamac Quraan Jecel oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu si habsami leh u socod amarkii lagu sugayay ammaanka isagoo xusay inuu faa'iido weyn usoo kordhiyay bulshada.

Quraan Jecel ayaa tilmaamay in kala wareejinta xamuulka iyo baarista alaabta ay sidaan shaqo abuur uga soo baxay shacabka Somaliyeed ee gobolka ku dhaqan.

Wuxuu carrabka ku dhuftay in wax weyn ka badalay dhinaca ammaanka isagoo xusay in lagu ogaan karo qorshahaasi inta baabuur ee katimaada Koonfurta dalka iyo dadka ay sidaan tiradooda.

Laamaha ammaanka ayuu sheegay inay si wanaagsan u gudanayaan waajibaadka la faray.

Tallaabadan ayuu Afhayeenku tilmaamay inay meesha ka saarayso jaaniska cadowgu ku heli karaan fursado ay qorshayaashooda ku fuliyaan.

Hadalkan ayaa imaanay xilli ganacsatadu u aragto caqab xoog leh tallaabada lagu kala wareejinayo gaadiidka islamarkaana lagu hubinayo badeecooyinka ay sidaan.

GAROWEONLIN

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM