Puntland: Shir laga yeeshay ka hortagga xirmaysiga dhuldaaqsimeedka

Image
Kulanka waxaa Sidoo kale looga hadlay dhaqangalinta Xeerarka deegaanka, iyo la dagaalanka xaalufinta deegaanka.

GAROWE, Puntland - Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada ahna kusimaha Wasiirka Ayuub Cali Axmed ayaa Xarunta Dhexe ee Taliska Ciidanka Booliska Puntland Kulan kula Qaatay madaxda Booliska Puntland oo uu ugu horeeyo Taliye kuxigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska DPL, S/guuto Caydiid Axmed Nuur, oo ay weheliyaan taliye Kuxigeenka 2aad S/guuto Cismaan Maxamuud Maxamed(Cige) iyo Taliyaha qaybta Gobolka Nugaal G/Sare Maxamed Cali Marduuf.

Kulanka waxaa looga hadlay dhaqangalinta Xeerarka deegaanka, ladagaalanka xaalufinta deegaanka, kaganacsiga dhuxusha, iyo kahortagista Xirmaysiga dhuldaaqsimeedka.

Intii kulanku socday waxaa si gaar ah la iskula falanqeeyey hawgalo ka socda gobolada Puntland oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Deegaanka iyo taliska Booliska oo lagula dagaalamayo Xirmaysiga dhuldaaqsimeedka, gubista dhuxusha iyo kaganacsiga geed quwaaxa.
Wasiir Ayuub Cali Axmed ayaa Ciidanka Booliska uga mahadceliyey sida ay uga go,antahay badbaadinta deegaanka, sigaar ah waxaa bogaadin loosoo jeediyey Taliska qaybta Gobolka Nugaal oo dhawaan gacanta kusoo dhigay jawaano geed quwaax ah iyo dadkii watay kuwaas oo ku jira gacanta booliska dhawaana lahorgayndoono Maxkamadda Awooda uleh bulshadana loo soo bandhigi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM