Puntland: Shirka la xisaabtanka xukuumadda oo Garowe ka furmay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

02 January, 2015(GO)-Waxaa goor dhaweyd xarunta wasaaradda caafimaadka Puntland ka furmay shirka dib loogu eegayo waxa u qabsoomay xukuumadda Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas sannadkii tagay.

Shirkan oo markii labaad laqabanayo ayaa waxaa kasoo qayb galay dhammaan hay'adaha dowladda, waxaana mudada uu socdo soo bandhigi doonaan qorshayaashii ay shaaciyeen 2014 wixii uga qabsoomay iyo kuwa aan hirgalin sababta u baaqdeen.

Xafladda daahfurka kulankaasi oo si toos ah loogala socdo TV-yada iyo Idaacadaha oo Radio Garowe kamidtahay ayaa waxaa ujeedooyinka loo qabtay shirkaas ka warbaxshay wasaaradda qorshaynta Puntland, taasoo tilmaamtay inay tahay qaabkii loo ogaan lahay shaqada wasaaradduhu u hayaan bulshada.

Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo shirka furay ayaa madasha ka cadeeyay in goobtan lagu ogaan doono wasaaraddii waxqabad samaysay iyo midda aan waxba qaban, wuxuuna xusay inaysan jirin wax laga qarinayo bulshada maadama dowladdu u adaygayso shacabka.

Furitaanka kadib, waxaa laguda galay soo bandhigista waxqabadka wasaaradaha oo loogu hormariyay wasaaradda Cadaaladda Puntland oo sheegtay in qorshayaashii 2015 dhammaantooda gaareen iyagoo yoolka ku sheegay 80% balse ka gaaray 75%, halka markii hore joogeen 50% sida uu goobta ka shaaciyay Agaasimaha Guud ee wasaaraddaasi Maxamed Cali Farax, waxaana faah faahinteeda idiinku soo gudbin doonaa wararkeenna dambe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM