​Puntland: Shirka Wasiirrada oo Arrimo Kala Duwan Looga Hadlay

Image

GAROWE- Waxaa maanta magalada Garowe ka qabsoomay kulan ay isugu yimaadeen golaha xukuumadda Puntland.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac "Quraan Jecel", oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay in kulanka wasiirrada lagu soo hadal qaaday arrimo ay ka mid yihiin, qaabka loo dhigayo doorashada Somalia, abaaraha Puntland ka jira, qaabka shaqo qorista iyo amniga guud ee Puntland.

Wuxuu tilmaamay in goluhu si cad u diideen nidaamka 4.5 in doorashada Somalia lagu saleeyo iyagoo beesha caalamka ka codsaday isticmaalka oraahda ku addan doorashada ee ah; in loo dhammaa go'aankii dhawaan Muqdishu kasoo baxay. 

Quraan Jecel ayaa cadeeyay inaan shirarka lagu soo hadal qaadin wufuudda la sheegay inay imaan doonaan Puntland kuwaasoo ka socda beesha Caalamka iyo dowladda Federalka Somalia kuwasoo u socda sidii Puntland loogu qancin lahaa habka la qaatey. Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay inay socdaan wadatashiyo ku aaddan go'aanka Puntland ka qaadaynayso hab-raaca doorashada Somalia ee dhici doonta 2016, isagoo sheegay inay Garowe ka socdaan kulamo la xiriira arrimahaasi. 

Arrinkan, ayaa imaanaysa xilli Puntland diiday go'aankii kasoo baxay madasha watashiga doorashada Somalia, taasoo lagu go'aamiyay in aqalka hoose "Barlamanka" lagu soo xuli doono qabiil ama 4.5 halka golaha sare si siman loogu qaybin doono maamullada marka laga reebo Puntland iyo Somaliland oo xubno dheeri ah la siiyay. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM