Puntland: Suldaan lagu dilay gobolka Sanaag

Image

BADHAN, Puntland- ALLAH ha u naxariistee waxaa maanta nawaaxiga magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag lagu dilay mid akmid ah Salaadiinta gobolkaas oo sida la sheegay qaban-qaabo ugu jiray qado soo dhaweyn ah oo loo samayn lahaa Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas oo maalintii saddexaad booqasho ku jooga magaalada Badhan.

Dilka Marxuumka Suldaan Xasan Cali Jibriil oo kamid ahaa duubabka dhaqanka Puntland ayaa ka dhacay Bar-kantarool oo ku dhow Hadaaftimo, waxaana gaystay ciidamo katirsan kuwa deegaanka xilli uu usii jeeday magaalada Badhan.

Lama oga sababta keentay dilka Suldaanka, wax faah faahin ahna kama bixin laamaha ammaanka Puntland.

Wararka soo gaaraya Garowe Online ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay dadkii ka dambeeyay dilka Marxuumka.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Suldaanka guud ee Warsangali Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam ayaa ka damsiyeeyay geerida Marxuumka.

'Innaa Lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun, Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle haw naxariistee Suldaan Xasan Cali Jibriil, waxaan Alle u waydiinayaa inuu denbigiisa dhaafo, qabrigana u waasiciyo, kuna abaal mariyo Janatul fardawsa' Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Gaas ayaa si gaar ugu tacsiyeeyay ehelka iyo qaraabada uu ka baxay Suldaan Xasan isagoo ALLE u weydiiyay inuu ku arsaaqo Naxariistiisa Waasaca ah.

'Waxaan si gaar ah ugaga tacsiyaynayaa geerida marxuunka qaraabadii eheladii, xaasaskii iyo caruurtii uu kategey, marlabaad waxaan Alle u waydiinaynaa inuu denbigiisa dhaafo kuna abaal mariyo janooyinkiisa kuwa ugu wanaagsan' ayuu yiri Madaxweynuhu.

Galabta ayaa la filayaa in Suldaanka aas-qaran loogu sameeyay magaalada Badhan, waxaana ka qaybgali doona Madaxweyne Gaas iyo wafdiga la socda ee booqashada ku jooga gobolkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM