Puntland: Taariikh aan isbadalin oo cid kale aysan ka wadaagin

Image
Puntland ayaa ku suntan maamulka kaliya ee ka jira Soomaaliya ee si joogto ah uga dhaqan-gasho nidamaka xukun isku-wareejinta si nabadeed.

GAROWE, Puntland - Puntland, maamul goboleed dhisan tan iyo 1998-dii, ayaa u jiheysatay doorasho madaxwayne iyo baarlamaan kadib is-xag-xagasho siyaasadeed oo taagneyd ku dhowaad halkii sano ee ugu dambeeyay.

Hubanti la'aanta doorashadda ayaa soo idlaatay markii todobaadkii hore uu madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ku dhawaaqay in loo laabanayo doorashadda 66-da Xildhibaan kana laabtay cod-bixinta qof iyo codka ah.

Talaabadan ayaa soo gabagabeysay walbahaar badan oo laga qabay in dagaal dhiig daata uu ka imaan karo is-qabqabsiga doorashadda haddii aanan xal degdeg ah gaari dhinacyadda ku loolamaya siyaasadda

Biseyl iyo qaan-gaarnimo

Hanaanka uu kusoo dhamaaday is-mari-waagan ayaan ahayn mid ku cusub Puntland waxaana sidaan oo kale horey u sameeyay madaxwayne hore isla markaana haatan ah Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Faroole ayaa markii uu xilka hayay waxa uu waqti badan geliyay qabashada doorasho qof iyo cod ah hase ahaatee dib u dhigay markii ay soo baxdey khatar ka dhalan karta haddii horey loogu sii socdo.

Sikastaba ha ahaatee, in tani mar kale soo laabato ayaa muujineysa biseyl iyo qaan-gaarnimo. Puntland ayaa hormuud waxay u tahay in Soomaaliya oo dhan laga hirgeliyey nidaamka federaaliga ah.

Xal gaarid faragelin la'aan

Labadaas mar-xaladood iyo kuwa kale oo adag oo Puntland soo martey ayaa lasoo gabagabeeyay iyadda oo aysan soo kala dhex-gelin daraf siyaasadeed sidda ka dhacdo meelo badan oo Soomaaliya kamid ah.

Tani ayaa waxa ay ka turjumaysaa biseyl iyo qaan-gaarnimo siyaasadeed. Puntland ayaa ku suntan maamulka kaliya ee ka jira Soomaaliya ee si joogto ah uga dhaqan-gasho nidamaka xukun isku-wareejinta si nabadeed.

Dhanka kale, madaxwaynihii hore Puntland ahna Senator Aqalka Sarre, Cabdiraxmaan Faroole, ayaa shalay waxa uu ku laabtey Garowe, waxaana si weyn usoo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshadda iyo xulka siyaasiyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM