​Puntland: Taliayaha qaybta Booliiska Nugaal oo xilka la wareegay

Image

GAROWE, Puntland- Taliyaha cusub ee dhawaan loo soo magacaabay qaybta Booliiska gobolka Nugal, Cabdirashiid Maxamuud aw-Xuseen, ayaa maanta xilkii kala wareegay dhiggiisa Cabdiraxmaan Abshir Faarax oo jagadaas laga qaaday todobaadkii hore.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta taliska qaybta Booliiska gobolka Nugal ee magaalada Garowe, ayaa waxaa kasoo qayb galay, wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda, taliyaha ciidamada Booliiska iyo saraakiil kale.

Gaashaanle Sare, Cabdiraxmaan Abshir Faarax oo xilka wareejiyay, ayaa sheegay intii joogay xafiiska inuu waxyaabo badan ka qabtay dhinaca amniga gobolka, iyo tayaynta ciidamada Booliiska isagoo taliyaha cusub ugu baaqay inuu halkaas kasii wado shaqada xafiiska, xilna iska saaro amniga dadka iyo dalkaba.

Taliyaha Cusub, Cabdirashiid Xinjira Dhuuq, ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsanyahay xilkan loo igmaday, wuxuuna ballanqaaday inuu  halkaas kasii wadi doono howsha gobolka islamarkaana saraakiisha xilka laga wareejiyay uga baahanyahay taageeradooda iyo khibradooda.

Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland, Cabdulqaadir Ereg, ayaa isna xusay in mas'uuliyiinta cusub looga baahanyahay inay kasoo baxaan shaqada loo dhiibay.

Xilka qaadista Cabdiraxmaan Abshir Faarax ayaa labo jeer timid inta uu xilka hayay Cabdiwali Gaas, waxaana mudadaasba loo magacaabayay booskan maanta lagala wareegay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM