Puntland: Toban nin oo dil toogasho loogu xukumay Al-Shabaabnimo

Image
Labo kamid ah ragga la xukumay ayaa lagu helay in ay ka dambeeyeen khaarijintii Wariye Jamaal Faarax Aadan.

GAROWE, Puntland - Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa maanta oo Axad ah xukun dil ah ku riday toban nin oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Labada kamid ah xukumaneyaasha oo kala ah Cadde Cabdillaahi Maxamed Cilmi iyo Cabdiqani Saleemaan Jaamac Saylor ayaa lagu helay dilka Wariye Jamaal Faarax Aadan oo ka tirsanaa mid kamid ah idaacadaha madaxa banaan ee magaalada Gaalkacyo.

Cilmi iyo Saylor ayaa xukunka dilka toogashada ah si kama dambeys ah loogu riday ka gadaal markii ay lumiyeen dhammaan fursadaha ay ku qaadan kareen rafcaanka.

Tobanka nin ee maxkamada ciidamada Puntland ay xukun ku riday ayaa sidoo kale waxaa dhankooda ku cadaatay in ay dilal ka geystay xarunta gobolka Mudug.

Ragga la xukumay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay.

Cadde Cabdullaahi Maxamed Cilmi
Cabdiqani Saleemaan Jaamac Saylor
Xasan Jaamac Maxamed
Maxamed Cali Axmed Muuse
Farxaan Faysal Salaad Xirsi
Cabdullaahi Faysal Xuseen
Barkhad Cawil Xirsi Nuur
Liibaan Aadan Muuse
Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi
Cabdiraxmaan Cawil Maxamed

Horaantii bishan ayay ahayd markii Puntland ay xukun dil ah ku fulisay 19 nin oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo lagu helay dambiyo dilal iyo qaraxyo ka dhacay Boosaaso iyo Gaalkacyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM