Puntland: Toogasho ka dhacay Boosaso [Fahfaahin]

Image

BOOSAASO, Puntland - Wararka laga helayo magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay xalay fal dil ah oo lagu khaarjiyay Nabadoon caan ka ahaa Magaaladda.

Nabadoonka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Saciid Maxamed Cawaare, ayaa waxaa toogtay Rag ku hubeysan bastooladda isagoo ku sugan Nawaaxiga Shirkadda Goolis xarunteeda caasimada ganacsiga Puntland.

Faahfaahinadda ayaa waxay intaasi ay ku darayaan in Dableydii falkaan ka dambeysay ay isaga baxsadeen goobta kahor inta aysan imaanin ciidamada laamaha amaanka ee Puntland, oo howlgalo aan dad lagu soo qaban sameeyay.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda falkaan dilka ah, laakiin weerarada khaarijinta ah ee ka dhaca Soomaaliya iyo degaanadda Puntland, waxaa inta badan dhabarka saarta kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Laamaha amniga ee dowladda Puntland, gaara ahaan kan gobolka Bari iyo magaalada Boosaaso wali wax war ah kama aysan soo saarin dilka Nabadoon Cawaare.

Labo maalin ka hor ayay ahayd kadib markii bartamaha magaaladdan lagu toogtay Askari ka tirsan Nabad-sugida dowladda Puntland, waxaana dilkaasi sheegatay Kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM