Puntland: Toogasho ka dhacday Xarun uu ku sugnaa Gaas [Khasaaraha]

Image

BOOSAASO, Puntland - Dabley hubeysan ayaa barqadii maanta oo Isniin ah weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ku qaadey xarunta dowladda Hoose ee magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Goobjooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in labo qof oo bastoolado ku hubeysan ay weerareen xarunta xilli uu halkaasi booqasho kormeer ah ku joogey Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo mas'uuliyiin kale.

Inta la xaqiijiyay hal Askari oo kamid ahaa Ilaalada Madaxweyne Gaas ayaa ku dhintay, halka mid kale uu ku dhaawacmay weerarka saaka, kaasoo aan la ogeyn wali cida ka dambeysa, balse loo maleynayo xoogaga Al Shabaab iyo Daacish.

Labada Askari ayaa ku sugnaa meel suuq ah oo laga dukaameysto halkaasi oo dabelyda kusoo weerartay, sida Garowe Online u xaqiijiyay Sarkaal katirsan Booliska Boosaaso.

Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Colonel Axmed Hurfe.

Weerarka kadib, Madaxweyne Gaas ayaa laga kaxeeyay xarunta, isagoo dib loogu celiyay Madaxtooyadda ku taalla duleedka magaalada Boosaaso, waxaana feejignaan la geliyay ciidamada ilaalada u ah.

Goobta ay toogashadu ka dhacday oo ah meel mashquul badan oo ku taalla bartamaha Suuqa, waxaa ka agdhow xarumo dowladeed oo kamid ah Xarunta Maamulka Gobolka Bari, saldhig Boolis, Xarunta Wasaaradda Amniga dowladda Puntland.

Amniga Boosaaso ayaa faraha kasii baxayay mudooyinkii dambe, iyadoo ay ka dhaceen dilal qorsheysan, weeraro toos ah oo lagu qaadey saldhigo ciidan iyo falal kale oo lid ku ah xasiloonida magaaladaasi.

Xukuumadda Madaxweyne Gaas oo mudo xileedkeeda uga haray 3 bilood ayaa lagu eedeeyay inay ku fashilintay wax ka qabashada weerarada kooxaha argagaxisada ee kusii xoogeysanaya gobolka Bari.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM