Puntland TV oo hawada uga baxey lacago lagu yeeshay

Image

Arbaco, Sept 3,2014 [GO]- Waxaa maanta hawada ka baxay telefishinka Puntland si rasmiyana looma oga sababta ka danbeysa isbedelka ku yimid shaashada Tv-ga oo in badan oo ka mid ah dadweynaha Puntland si weyn ula socdeen.

Warar soo baxaya oo laga soo xigtey ilo madax banaan ayaa sheegaya  ka dib markii la bixin waayay kirada Satellite-ka 4 bilood ee u danbeysay inay hawada ka saartey Shirkada iska leh Satellite-ka uu isticmaalo PLTV muuqaalka la iska arko ee Warbaahinta .

Telefishinka Puntland tv ayaa hawada soo galay bartamihii sanadkii horre 2013 waxaana la bixin jirey bil walba kirada lacag dhan $ 11,500 Kow iyo Toban kun iyo Shan boqol oo dollar.

Ma jirto wax war ah oo ay kasoo saareen sababta loo arki waayay 24 saac ee lasoo dhaafey TV-ga mas'uuliyiinta warbaahinta Puntland iyo Madaxda Dowlada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in Daacish looga adkaadey Dagaalka Calmiskaad

Si kastaba ha ahaatee, ilo maxalli ah ayaa sheegay in dagaalyahannadu weli ku dhuumaalaynayaan deegaanka.

  • Puntland

    25-10-2025

  • 01:36PM

Soomaaliya: Hoggaamiyaha Daacish oo La La’yahay Iyadoo Kooxdiisa looga adkaadey Dagaalka Cal-Miskaad  

Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkii hore si maldahan u sheegay in Muumin laga yaabo in la dilay.

  • Puntland

    22-10-2025

  • 06:06PM