Puntland: Ururka Al Shabaab oo qabsadey tuulada Af-Urur

Image

BOSASO- Ururka Al Shabaab ee ku dhuumaaleysta buuraleyd Galgala ayaa saaka la wareegey tuulada Af-Urur oo 100 KM Koonfur Galbeed kaga beegan magalaada Boosaaso xarunta ganacsiga maamulka Puntland.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay in ciidamo ay leeyihiin la wareegeen degaankaas.Ciidamada Puntland oo saldhiga ku lahaa Af-urur ayaa isaga baxeen shaley galab.

La dag Application warsidaha Garowe Online hadaad haysato Samsung iyo taleefanada isticmala Android: “Riix Halkaan”

Tuulada Af- urur oo ku taal goob istaraatiiji ah ee laga ilaaliyo dhaqdhaqaaqa kooxdaan ku dhuumaleysta buuraha Galgala ayaa waxaa loo sababeynayaa ka bixistooda degaankaas mushahar la’aan la soo gudboonaatey iyagoo u ruqaansadey dhanka tuulada Kalabayr.

Al Shabaab oo dagaal dhumaaleysi ah kula jirta ciidamada dowlada Puntland ayaa horey weeraro gaadmo ah ugu qaadey tuuladaas kuwasoo khasaare kala duwan gaystey.

Kooxdaan ayaa sanadkii 2017 waxay Af-urur ku qaadeen dagaal kadis ah halkaasoo ay ku dileen 50 qof oo isugu jirey ciidamo iyo shacab daganaa tuuladaas.

Qabsashada Af-urur ee Al Shabaab oo aan aheyn markii ugu horeysay ayaa imaaneysa waqtigaan xilli ciidamada Puntland difaac kaga jiraan Tukaraq halkaas oo ay isku hor-fadhiyaan ciidamada Somaliland kuwasoo  qabsadey tuuladaas horaantii sanadkaan.

Madaxweyne Gaas ayaa tan iyo intii uu la wareegey hogaanka Puntland waxaa sii xoogeystey weerarada kooxda Al Shabaab iyo Daacish ee ku dhuumaaleysata qaybo kamid ah gobolka Bari ku qaadaan ciidamada Puntland.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM