​Puntland: Waa sidee xaaladda dadkii ka qaxay Qandala? [Dhagayso]

Image

BOSASO, Puntland- Guddoomiyihii hore ee Degmada Qandala Siciid Maxamed Waaberi oo haatanna ah xisaabiye ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa Radio Garowe u sheegay in guud ahaan shacabkii ku noolaa degmada Qandala isaga qaxeen walaac laga qabo in goobtaas dagaal ku dhex maro ciidamada Puntland iyo mallayshiyaad sheegtay inay katirsanyihiin Daacish oo ilaa todobaadkii hore ka agdhawaan degmadaas.

Waaberi, ayaa xusay inay jiraan diyaarado degmada dul hee-haaba iyo Maraakiib badda kusoo xirtay, taasoo dhalisay cabsida ugu weyn sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu ka dayriyay xaaladda dadkii magaaladaas ka qaxay oo sheegay inay gaareen magaalada Bosaso iyo tuulooyinka ka agdhow, isagoo tilmaamay inaysan jirin cid kaalmo soo gaarsiisay, maadama ay kasoo carareen hantidoodii.

Xisaabiyaha, ayaa hadalkiisa sii raaciyay inay jiraan dad faro ku tiris ah oo Qandala ku haray kuwaasoo u qaxi waayay duruufo haysta.

Hay'adaha caalamiga ah iyo dowladda ayuu ka codsaday in dadkaas soo gaarsiiyaan kaalmooyin kala duwan, maadaama dadka xaaladoodu liidato.

Qandala, ayaa ah magaalo xeebeed qadiim ah oo qiyaastii 75km dhinaca Bariga ka xigta magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM