​Puntland: Wafdi soo gaaray magalada Garowe

Image
Image
Image
Image

GAROWE- Garoonka diyaaradaha Canoco, waxaa goordhaweyd kasoo dagay wufuud kala duwan oo kasocota dalka Ethoipia, IGAD iyo Midowga Yurub kuwaasi oo qayb ka ah mas'uuliyiinta u imaanaya arrimaha looga hadlay magalada Garowe Caasumadda Puntland ee ku salaysan nidaamka loo marayo doorashada dalka Somalia 2016.

Xubnaha yimi ayaa kala ah, Wasiirka Arrimaha dibadda Ethoipia Tedros oo markii ugu horaysay Garowe yimi, wakiilka Midowga Yurub ee Somalia Michael Cervone, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay M.Keating  iyo Xoghayahay urur goboleedka IGAD Maxbuub Macallin, oo dhawaan Garowe u yimi arrimo la xiriira masharuuca dhismaha wajiga labaad madaarka diyaraha Bosaso.

Waxaa sidoo kale yimi safiirro kasocda waddamada caalamka.

Mas'uuliyiinta Garowe soo gaaray ayaa dhaammantood waxay goob joog ka noqonayaa wadahadalka u dhaxeeya Wafdiga Ra'isal wasaare Cumar iyo Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Puntland diyaarisay qodobo hordhigeyso beesha caalamka kuwasoo laga filayo iney daamanad qaado kuwaasoo saraakiil ka tirsan Dowlada  magacooda diidan u sheegeen GO in furo u noqneyso in la aqbalo qaabka doorasho ee Somalia.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro shaki wayn laga qaybo in Puntland aqbali doonto nidaamka 4.5 kaasoo shacabka iyo madaxdooda horey u diideen.

Hadal kasoo baxay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa hambalyo loogu diray Puntland kaasi oo ku aadan aqbaaladda nidaamkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM