Puntland: Wariye Cumar Dheere oo Garowe lagu xiray

Image

GAROWE, Puntland- Ciidamo katirsan kuwa ammaanka Puntland ayaa caawa xabsiga u taxaabey Wariye Cumar Maxamed (Cumar Dheere) oo sidoo kale kamid ahaa Ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP.

Wariyaha ayaa loo gudbiyay xabsi ku yaalla Kantaroolka magaalada ee dhinaca Koonfureed kaasoo dhawaan lagu xiray wariye Madax bannaana.

Majirto waaran maxkamadeed oo ciidamo wateen marka la xiryay sida uu GO u sheegay mid kamid ah dadkii goob jooga ka ahaa waqtigii la xirayay.

Cumar Dheere ayaa maalin kahor bartiisa Facebook kusoo qoray warbixin Kooban oo uga hadlayay cida mas'uulka ka ah dhibaatada lacageed ee dalka iyo sidoo kale hadal hayska dowladda ee ah qofkii diida waa Al Shabaab.

Cumar oo sidoo kale aad wax uga qorayay arrinta muranka ka taagan lacagta ayaa saacado ka hor inta aan la xirin bartiisa Facebook ku qoray isagoo soo xiganaya mudane katirsan Barlamanka Puntland qoraalka hoose.

Majirto ilaa hadda cid ka hadashay arrintan oo muddooyinkii dambe ku kacaysay xukuumadda uu hogaamiyo Cabdiwali Gaas taasoo Ololihii doorashadii 2014 ku gashay inay ilaalinayso xuquuqda Hadalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM