​Puntland: Wasiir ku-xigeenka cadaaladda oo la dhaariyay

Image

GAROWE- Waxaa maanta 28-May-2016 lagu dhaariyey madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe wasiir ku-xigeenka wasaaradda Caddaadda Puntland Yuusuf Bootaan Ciise oo dhowaan xilkaasi u magcaabay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Wasiir ku-xigeenka ayaa lagu dhaariyay xafiiska madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland,  Cabdixakiim Cabdulaahi  Xaaji Cumar  Camey, wuxuuna kula dar-daarmay Bootaan, in uu shaqadiisa daacadnimo u guto isla markaana la yimaado dedaal dheeraad ah si loo sii dar-dargeliyo arrimaha caddaaladda.

“waxaan kugula dar-daarmayaa sida aad u dhaaratay in aad xilkaaga u gudato, lana timaadid dedaal iyo daacadnimo dheeraad ah, isla markaana aad ka fogaatid waxkasta oo kaa weecinaya gudashada  waajibaadkaaga, ”Ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Camey.

Wuxuu sidoo kale EEBBE uga baryey mas'uulka in uu u fududeeyo xilka loo igmaday , isla markaana uu kadhigo mid wax badan kusoo kordhiya Wasaaradda Caddaaladda arrimaha diinta iyo dhaqan celinta Puntland.

 Wasiirkan, ayaa badalaya wasiir ku-xigeenkii hore oo bilo ka hor xilkaasi iska casilay isagoo ku biiray Barlamanka Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM