​Puntland: Wasiir ku-xigeenka cadaaladda oo la dhaariyay

Image

GAROWE- Waxaa maanta 28-May-2016 lagu dhaariyey madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe wasiir ku-xigeenka wasaaradda Caddaadda Puntland Yuusuf Bootaan Ciise oo dhowaan xilkaasi u magcaabay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Wasiir ku-xigeenka ayaa lagu dhaariyay xafiiska madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland,  Cabdixakiim Cabdulaahi  Xaaji Cumar  Camey, wuxuuna kula dar-daarmay Bootaan, in uu shaqadiisa daacadnimo u guto isla markaana la yimaado dedaal dheeraad ah si loo sii dar-dargeliyo arrimaha caddaaladda.

“waxaan kugula dar-daarmayaa sida aad u dhaaratay in aad xilkaaga u gudato, lana timaadid dedaal iyo daacadnimo dheeraad ah, isla markaana aad ka fogaatid waxkasta oo kaa weecinaya gudashada  waajibaadkaaga, ”Ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Camey.

Wuxuu sidoo kale EEBBE uga baryey mas'uulka in uu u fududeeyo xilka loo igmaday , isla markaana uu kadhigo mid wax badan kusoo kordhiya Wasaaradda Caddaaladda arrimaha diinta iyo dhaqan celinta Puntland.

 Wasiirkan, ayaa badalaya wasiir ku-xigeenkii hore oo bilo ka hor xilkaasi iska casilay isagoo ku biiray Barlamanka Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM