​Puntland: Wasiir ku-xigeenka howlaha Guud oo is-casilay [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland- Shir jaraa'id oo wasiir ku-xigeenka wasaaradda Howlaha Guud Gaadiidka iyo Guriyaynta Puntland, Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax (Tujaana) uu ku qabtay magaalada Garowe, wuxuu ku sheegay inuu booskaasi iska-casilay kadib cadaadis kaga yimid dhinaca Beeshiisa.

Wasiir Tujaana, ayaa sheegay in qoyska uu kasoo jeedo lagu dulmiyay siyaasadda gaar ahaan tan Xildhibaanada Aqalka Sare, sidaas awgeed ku cadaadiyeen inuusan ku matali karin booskan dowladda Puntland.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu sheegay inaysan jirin sabab kale uu shaqada uga tagay marka intaas laga yimaado, isagoo fariin u diray shacabka Puntland oo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan midnimadooda iyo hormarka ay ku jiraa.

Wuxuu sheegay inuu saaxiib dhow la ahaa Madaxweynaha islamarkaana usoo gudbiyeen tabashada beeshiisa balse laga hoos qaadi waayay.

Tujaana, ayaa sidoo kale xusay inuusan noqon doonin qof barri mucaarad ku noqda dowladda hadda jirta, balse ka shaqayn doono midnimada dadka iyo dalkaba.

Is-casilaadda wasiir ku-xigeenka howlaha guud, ayaa timid xilli wasiirkii wasaaraddan Cabdirashiid Maxamed Xirsi uu muddo ka maqanyahay xafiiskiisa magaalada Garowe, halkaasoo ay ka jirto dhibaato dhinaca Ganacsiga ah kadib markii xayiraad lagusoo rogay baabuurta isaga kala goosta Puntland iyo gobollada dhexe taasoo hormuud ka ahaa qorshahan hirgalintiisa.

Maaha markii ugu horaysay wasiir is-casilo tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Gaas, balse sannadkii hore waxaa shaqada ka tagay labo Wasiir oo ilaa imminka aan loo soo magacaabin mas'uuliyiin kale, waxaana kamid ah wasaaradda Warfaafinta Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM