​Puntland: Wasiirka Caafimaadka" in kabadan 10 kun ayaan daweynay todobaadkii hore" [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland, ayaa maanta warbaahinta uga waramay waxqabad ay sameeyeen kooxo caafimaad oo kasoo howlgalay qaar kamid ah gobollada Puntland todobaadkii hore, kuwaasoo soo fuliyay adeegyo caafimaad.

Cabdinaasir Cismaan Cuuke, oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe ayaa sheegay in gobollada Bari, Karkaar iyo Nugaal u direen kooxo caafimaad oo loo qorsheeyay inay baaritaano iyo daweyn usoo sameeyaan dadka abaaruhu saameeyeen, kuwaaso qaybtood lasoo daristay xaalad caafimad darro.

Wasiirka ayaa xusay in adeegaasi la gaarsiiyay todobaadkii hore oo kaliya in kabadan 10-kun oo ruux, halka dad horay loo daweeyay ay kor u dhaafayaan 30 kun sida uu xaqiijiyay wasiir Cuuke.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu dadweynaha ugu baaqay inay lagawada qayb qaato sidii loogu gurman lahaa dadka abaaruhu saameeyeen ee isaga kala yimid gobollada Somalia, kuwaasoo u naq-raacay gobollada Bari iyo Karkaar oo roobab ka da'een dabayaaqadii sannadkii hore.

Dhinaca kale, wasiirka ayaa sharaxaad ka bixiyay hishiis ay wada gaareen dowladda Puntland iyo MSF, wuxuuna sheegay inay dib uga howlgali doonto gobolka Mudug kadib wada hadal soo bilowday 2015.

Cabdinaasir Cuuke, ayaa xusay in shaqada ay ka qaban doonto gobolka Mudug tijaabo u yahay inay guud ahaan hay'addu ka howlgasho Somalia, wuxuuna codsaday inaan hormuud loo noqon sidii ay Somalia u heli lahayd adeegyo caafimaad oo lala shaqeeyo MSF muddo Saddex sano ah oo mashruucan socon doono.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM