​Puntland: Wasiirka warfaafinta oo is-casilay

Image

GAROWE, Puntland- Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocadde, ayaa goordhaweyd ku dhawaaqay inuu iska casilay jagadaasi, wuxuuna ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixyo arrinta keentay banneenta booskaas uu mudada hayay.

Soocadde, ayaa xusay in istiqaaladani ku timid waxyaabo gaar u ah, isagoo meesha ka saaray inay jiraan khilaafaad u dhaxeeya isaga, madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Wuxuu sheegay inuu Cabdiwali Gaas, u gudbiyay war-qadda shaqo tagista taasoo uga aqbalay si sharaf leh sida uu hadalka u dhigay.

Arrintan, ayaa timid xilli la filayo in Madaxweynaha Puntland isku shaan-dhayn ku sameeyo golihiisa wasiirrada taasoo mas'uuliyiin badan farta wadanaha ku hayaan, halka warar kale sheegayaa in xubno badan oo kamid ah golaha wasiirrada raadinayaa kuraasta Barlamanka Somalia.

Soocadde, ayaa labo xil oo kala duwan soo qabtay mudadii uu madaxweynaha ahaa Cabdiwali Cali Gaas, kuwaasoo kala ahaa xilka maanta uu iska casilay iyo mid uu kasoo qabtay wasaaradda Ganacsiga.

Tan iyo markii uu noqday wasiirka warfaafinta, waxaa cirka isku shareertay khilaafka kala dhaxeeyay bahda warbaahinta, waxaana sannadkan gudahiisa ku hanjabay inuu dili doono warbaahinta kadib markii loo hogaansami wayaya amar uu soo saaray oo ahaa inaan wararkooda la baahin siyaasiyiin dhaliilsanaa xukuumadda Gaas, taasoo dhalisay dood badan oo gaartay ilaa madaxweynaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM