​Puntland: Wasiirrada oo ka hadlay doonta hubka waday

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Shirka todobaad lahaa ee golaha xukuumadda Puntland, ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan xaaladda Puntland, gaar ahaan ammaanka iyo abaaraha kajira qaybo badan waddanka ka mid ah.

Wasiirrada oo warbixino kala duwan ka dhagaystay wasaaradaha  dowladda qaybtood ayaa isla soo hadal qaaday doontii dhawaan ay qabteen ciidamada Australia hub i siday Somalia.

Waxay fareen laamaha ammaanka inay galaan feejignaan iyo qaabkii looga hortagi lahaa waxyaabaha khal-khalka  galinaya ammaanka Puntland.

Dhinaca kale, waxay isla soo hadal qaadeen  qaabkii loogu gurman lahaa dadka iyo duunyada ay saamaysay abaaraha kajira dalka, iyagoo xusay inay u baahanyihiin biyo dhaamis dag-dag ah

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM