​Puntland: Wasiirrada oo ka hadlay doonta hubka waday

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Shirka todobaad lahaa ee golaha xukuumadda Puntland, ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan xaaladda Puntland, gaar ahaan ammaanka iyo abaaraha kajira qaybo badan waddanka ka mid ah.

Wasiirrada oo warbixino kala duwan ka dhagaystay wasaaradaha  dowladda qaybtood ayaa isla soo hadal qaaday doontii dhawaan ay qabteen ciidamada Australia hub i siday Somalia.

Waxay fareen laamaha ammaanka inay galaan feejignaan iyo qaabkii looga hortagi lahaa waxyaabaha khal-khalka  galinaya ammaanka Puntland.

Dhinaca kale, waxay isla soo hadal qaadeen  qaabkii loogu gurman lahaa dadka iyo duunyada ay saamaysay abaaraha kajira dalka, iyagoo xusay inay u baahanyihiin biyo dhaamis dag-dag ah

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM