​Puntland oo diidey waxkabadalka Dastuurka Federaalka

Image
Image
Image

GAROWE- Shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirrada Puntland, ayaa  looga hadlay arrimo kala duwan oo ku jiraan abaaraha Puntland ka jira iyo waxkabadalka Dastuurka Federalka Somalia. 

Kulanka oo shir gudoominayay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camay, ayaa lagu sheegay dastuurka Federalka inuu yahay heshiis u dhaxeeya bulshada Somaliyeed, sidaas darteen qorshaha Barlamanka Somalia faragalinta ku sameynayo horseedi karo inay sii ballaarato kala aragti duwanaanta labada dhinac (Puntland iyo dowladda Somalia).

Dhinaca kale, wasiirrada Puntland ayaa sheegay inay dhawaan la gaarsiin doono degmooyinka abaaraha laga soo sheegayo, Biyo iyo Shidaal kuwaasi loogu talagalay in lagu samata bixiyo dadka dhibaataysan. 

Halka ka akhri qoraalka ka soo baxey kulankaan:  Warmurtiyeedka Golaha Wsaiirada Puntland.pdf

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM