​Puntland: Wufuud ku wajahan Magalada Bosaso

Image

BOSASO- Waxaa maanta lagu wadaa in magalada Bosaso xarunta gobolka Bari tagaan wufuud kasocota dalka Talyaaniga iyo urur goboleedka IGAD, kuwaasi oo iska kaashanay dhismaha wajiga labaad ee garoonka diyaaraha magalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Wufuudan, ayaa qayb ka noqonaya dhagax dhiga qaybta harsan madaarka kaasoo la filayo in maalmaha soo socda dhagax dhigo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Gaas ayaa shalay soo gaaray Bosaso, waxaana ujeedka imaanshihiisa lagu sheegay arrinta garoonka iyo wada-xaajood waxgaradka gobolka Bari uu la yeelanayo.

Deeqda lagu dhisayo garoonka ayaa waxaa keenay dowladda Talyaaniga oo taageero ka helay Sanduuqa loo yaqaano Global Fun, waxaana gacan ka gaysanaysa ururka IGAD oo damaanad qaaday xilligii garoonka wajigiisa koowaad la furayay inay keenayaan.

Ammaanka magalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana soo gaaray mas'uuliyiin badan oo doonaya inay qayb ka ahaan munaasabadda lagu dhagax dhigayo madaarkaa xarunta ganacsiga Puntland, waxaana sidoo kale la filayaa in caawa la qabto munaasabad mas'uuliyiinta imaanaysa lagu soo dhaweynayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM