Puntland: Xildhibaan Bootaan oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Qarax

Image

GAROWE, Puntland- Xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan oo kamid ahaa Barlamanka Puntland, ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kadib dhawac  kasoo gaaray qarax 08 Bishan lagula eegtay magaalada Galkacyo.

Bootaan ayaa xaalad caafimaad loogu qaaday dalka Kenya, halkaasoo lagula tacaalayay dhaawac xalis ah oo kasoo weerarkaas.

Dhaawac halis ah ayaa kasoo gaaray mudanaha geeriyooday weerarkaas taasoo keentay inay go’aan qaar kamid ah laxaad-kiisa.

Qaar kamid ah ehelkiisa ayaa xaqiijiyay inuu Xildhibaanku ku geeriyooda magaalada Nairobi.

Mudanayaal katirsan Barlamanka Puntland ayaa ka tacsiiyay geerida ku timid mudanahan oo sidoo kale kamid ahaa guddiga nabad-galyada gobolka Mudug.

Maaha markii ugu horaysay mas’uul katirsan dowladda Puntland u dhintay weerar lagu qaaday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM