​Puntland: Xildhibaan ku baaqay bixinta Mushaharaadka [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Barlamanka Puntland ayaa maanta ansixiyay xisaab xirka miisaaniyaddii 2015 kaasoo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda, waxaana kooramka joogay ku dhawaad 50 mudane.

Xisaab xirkan oo muddo hor yaallay golaha shacabka ayaa waxaa ka dhashay dood badan maadama ay kala badnaayeen miisaaniyaddii horay loo ansixiyay iyo kharashaadka dowladdu gashay.

Xildhibaan Nuuradiin Cabdirashiid Cali oo katirsan Barlamanka Puntland  ayaa Radio Garowe uga waramay waxyaabihii ay uga hadleen kulankan qaybta ka ahaa Kalfadhigooda Dastuuriga ah, wuxuuna sheegay inay maanta ka doodeen  labo qodob oo kala ahaa; Ansixinta Maxkamadda Sare isagoo tilmaamay in dhammaan mudanayaashu u codeeyeen halka kan labaad uu ku tilmaamay ansixinta xisaab xirka miisaaniyadda.

Mudane  Nuuraddiin ayaa xusay in muddo horyaallay Barlamanka Puntland ansixinta xisaab xirkan oo kallifay in loo yeero wasiirka iyo ku-xigeenkiisa islamarkaana su'aalo laga weydiiyay kharash dhan 6,612,774 oo ay ku jirto mushahar ka maqan hay'adaha dowladda

Kharashkaasi waxaa iska difaacay wasiirka maaliyadda Puntland Cabdullaahi Sheekh Axmed kaasoo sheegay inay ku baxeen safaro madaxdu u gashay magaalada Muqdishu iyo dagaalladii lala galay Al Shabaab.

Balse, arrintaasi waxaa gashaanka ku dhuftay Xildhibaan Nuuraddiin kaasoo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in dowladdu isticmaasho xuquuq qof leeyahay iyadoo la heli karo siyaabo looga baaqsan karo, wuxuuna tilmaamay inaysan macquul ahayn waxyaabaha uu isku difaacay wasiirka maaliyadda Puntland.

Xildhibaan Nuuraddii oo wax laga weydiiyay sababta loo ansixiyay xisaab xirkaasi hadii aysan ahay wax lagu qancay ayaa yiri,"Maan rag waa mudacyo caaradooda, adeer hadde Xildhibaanadu waa 66 mudane nin walbana fikir ayuu qabaa, waxaan is oran karaan waxay ku ansaxday codka loo qaaday ee anigu ma aaminsani in la lunsado xuquuqdo qof leeyahay, sharcigu wuxuu qabaan in qofka xaqiisa la siiyo siiyo".

Mudanaha ayaa baaq xoggan u diray dowladda Puntland, wuxuuna ka codsaday inay meel saaraan xuquuqda ka maqan shaqaalaha dowladda isagoo tilmaamay haddii arrintaasi wax laga qaban waayo inay lumayso jiritaanka dowladnimada.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli horay cabashooyin la xiriira xuquuq maqan ay sameeyeen ciidamo katirsan dowladda kuwaasoo gadooda ka sameeyay magaalooyinka waaweyne ee Galkacyo, Garowe iyo Bosaso, waxayna arrimahaasi dhaceen mudadii uu xilka hayay madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas kaasoo intii uu xilka hayay safarro kala duwan u aaday  magaalooyinka dalka Somalia qaybtood, waddamada dariska ah, Imaaraadka iyo dalal kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM