​Puntland: Xildhibaan kusoo baxay kursiga 22aad doorashada Aqalka hoose

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Faysal Cabdulle Guuleed ayaa kusoo baxay Kursiga beesha Reer Biciidyahan ee Barlamanka Federaalka Somalia, kadib markii uu helay codad gaaraya 26 cod, isagoo ka adkaaday ninka sida aadka ah ula loolamay ee Siciid Cali Maxamed oo helay 21 cod.

Xubin kamid ah Guddiga doorashooyinka Dadban ee Somalia oo lagu magacaabo Siciid Qorsheel ayaa ku dhawaaqay Natiijada, wuxuuna sheegay in maanta doorashadii la qabtay si wanaagsan u dhacday.

Xildhibaanka guulaystay, ayaa mar uu ka hadlay dareenkiisa, wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay kusoo bixitaanka Kursigan, isagoo sheegay inuu oofin doono dhammaan ballanqaadyadii uu sameeyay doorashada ka hor.

Siciid-ka laga guulaystay, ayaa isna aqbalay natiijada doorashada, wuxuuna ugu baaqay mudanaha la doortay inuu ka shaqeeyo midnimada beesha iyo hormarka dalka Somalia.

Doorashadii Maanta waxaa soo baxay saddex mudane oo lagu kala magcaabo;

Faysal Cabdulle Guuleed

Cabdi Maxamuud Maxamed

Iyo Daa'uud Maxamed Cumar.

Puntland, ayaa iminka lagu doortay 22 mudane, waxaana harsan 15 Xildhibaan kuwaasoo la filayo in la doorto bishan gudaheeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM