Puntland: Xildhibaan Surcad oo arrimo badan ka hadlay [Dhagayso]

Image

31 Octobar, 2015(GO)-Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar (Surcad) oo ka mid ah Barlamanka Puntland ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda Puntland, gaar ahaan su'aalahii la weydiiyay madaxweyne Gaas asbuucii hore iyo lacag la sheegay in loo kordhiyay Xildhibaanada.

Surcad ayaa Gudoomiyihii hore Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire ku eedeeyay inay Madaxweynaha Puntland u sahlay baajinta su'aalo lagu weydiin lahaa furitaankii kalfadhiga Barlamanka Puntland 25 Octobar, 2015.

Xildhibaanka oo Gaas wax ka weydiiyay lacagta faalsada  ah ee lagu daabacay Puntland, ayaa sheegay inuusan ku qancin jawaabta uu bixiyay Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Waraysi uu siyay Somali Channel, ayuu Xildhibaan Saciid Samatar Surcad, waxaa uu ku beeniyay kordhinta mushaharaadka Barlamanka, balse waxa uu qiray in la siiyay lacag dheeri ku ah midii ay horay u qaadan jireen, waxa uuna ku macneeyay lacag gunno ah, taasi oo tilmaamay in la bixiyay bishii u dambaysay, iyadoo cadadkeedu dhanyahay 400 oo dollar.

Arrimo kale oo ku saabsan su'aalihii Madaxweynah ayaa Xildhibaanku ka hadlay, waxaana uu sheegay in xukuumaddu inkiri karin xuquuqda ciidamada Puntland, ka dib xilli Madaxweyne Gaas uu sheegay inay bixiyaan mushaharka ciidamada Puntland, iyadoo waayadii dambe soo baxayeen gadood iyo cabashooyin salka ku haya xuquuq ka maqan ciidamada.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM