Puntland: Xildhibaanada oo kalsoonidii kala laabtay Siciid Xasan Shire [Dhagayso]

Image

28 Octobar, 2015(GO)-Waxaa maanta Xildhibaanada Puntland ka doodeen mooshin xil ka qaadis loo gudbiyay Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka Puntland Cabdixamiid Sheikh Cabdisalaan, kaasi oo xilka looga qaadayay Gudoomiye Siciid Xasan Shire oo saaka ku dhawaaqay in jagadaasi iska casilay.

Xoghayaha Barlamanka ayaa Xildhibaanada ka hor akhriyay eedaymaha ku qoran mooshinka.

Cabdixamiid Sheikh Cabdisalaam ku-xigeenka Gudoomiyaha, ayaa sheegay in mooshinkaasi la marsiin doono sharciga, waxaana laguda galay in loo codeeyo.

47 mudane, ayaa u codeeyay in xilka laga qaado Gudoomiyihii Barlamanka Puntland, halka 2 mudane ay diideen iyadoo ka aamuseen labo kale.

Arrinta ayaa timi ka dib markii saaka Gudoomiyihii Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire ku dhawaaqay inuu iska casilay jagadaasi ka dib markii xalay la gubsiyay moshin ku saxiixanyihiin in ka badan 40 mudane.

Hadal haynta ugu badan ee Garowe ayaa noqotay cidda badali doonta Shire, waxaana Garowe Online idiin soo gudbin doontaa shakhsiyaadka xilkan loo saadaalinayo inay isu sharaxaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM