Puntland: Xildhibaano sharci daro ku tilmaamey xariga Jamac Deparani [Dhagayso]

Image

19 November, 2015(GO)-Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Puntland oo caawa shir jiraa’id ku qabtay magalada Garowe ayaa si kulul uga hadlay xariga lagula kacay Wariye Jaamac Yusuf Deperani oo ka howl-gala Tv-ga Somalichannal xafiiskiisa Garowe.

Xildhibaan Cabdi Samatar Surcad ayaa saxaafada u akhriyay waxa uu Dastuurka Puntland ka qabo xariga Wariye Jaamac oo uu sheegay inuusan waafaqsanayn sharciga u degan dalka, isa lamarkaana lagu xad gudbay.

Qodobka 2-aad ee Dastuurka PL:- Sarraynta sharciga

  1. Sharciga ayaa qofka ka sareeya
  2. Dhamaan hay’adaha dowlada iyo dadwaynaha waxay u hogaasamaan sharciga

Qodobka 14-aad ee Dastuurka PL:- Xoriyadda fikirka

  1. Qofkasta xor ayuu u yahay fikirkiisa, waana soo bandhigi karaa faaf-reeb horudhaca waana reeban yahay.
  2. Qofku waxa uu fikirkiisa ku cabiri karaa qaab hadal, saxaafadeed, qoraal, muuqaal, suugaan iyo habab kale oo sharciga iyo anshaxa waafaqsan.

Qodobka 22-aad:- Xaqqa saxaafadda

  1. Saxaafada iyo warbaahinta xorta ah waxay ka madax-banaan yihiin faragalin dowladeed waana inay u hogaasamaan sharciga oo kaliya.

Xildhibaan Cabdixakiim Dhooba-daareed iyo Cali Dhaga-cade ayaa dhankooda dhaliil kulul u soo jeediyay wasiirka wasaarada warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade, oo ay sheegeen inuu ku xad-gudbay dastuurka dalka u yaala.

Mudanayasha ayaa sheegay in waaran maxkamadeed aan lagu xirin wariyaha, waxayna Madaxweyne Gaas ka codsadeen in dowladdu sharciga ilaaliso oo qofkii khalad gala lagu xiro waaran maxkamadeed.

Il-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in masuuliyiin horay xilal uga soo qabtay Puntland ay taliyaha ciidanka Bolice-ka Puntland General Cabdirasaaq Af-gaduud ka dalbadeen in damaanad lagu sii daayo wariyahan xiran, balse uu ka biya diiday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM